Wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Ciidamada Huwanta ah ee ka howlgala Gobolada Jubboyinka ay u jahaysteen dhanka dagmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.
Wararka ayaa waxaay intaaasi ku darayaan in Ciidamo badan oo iskugu jira Ciidamada Dowlada kuwa Raskambooni iyo Ciidamada Amisom laga soo saaray Xeryihii ay ku jireen islamarkana la geeyay meel aan waxbadan u jirin Deeganka Bullo Gaduud ee isla Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada huwanta ah ee la soo dhigay aga hore ayaa waxaa lagu wada in ay weerarow Culus ku qadan Xogaga Al-Shabaab oo ayagu ka taliya inta badan Gobolka Jubbada dhexe qaas ahaan Dagmoyinka Jilib, Xagar, Bu,aale,iyo Saakow,
Duulanka Cusub ee ay dib u bilaaben Ciidamada Huwanta ah ayaa waxaa lagu sheegay mid loga goleyahay in Gobolka oo dhan loga saaro Al-Shabaab inta uu socdo Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Idale News Muqdisho