Guddiga Arrimaha Dibadda BFS Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Ku Dhibaateysan Koonfurta Sudan

0
455

Muqdisho ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen dagaalada ka soconaya dalka Koofurta Sudan.

Mudane Dalxa ayaa ku tartarsiiyay dowladda Soomaaliya in ay soo badbaadiso shacabka ku nool dalka Koofurta Sudan ee Soomaaliyeed iyadoo la kaashaneysa dowladaha dariska la’ah dalkaas sida Sudan iyo weliba Etjiopia sida uu hadalka u dhigay.

“ xilligaan ma jiro wax wada shaqeyn ah ee ka dhexeeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya iyo Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka taas oo ugu wacan in wax loo qaban waayo Soomaalida ku dhibaateysan Caalamka” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Soomaali badan ku dhibaateysan Caalamka dacalladiisa mana jirto kaalin muuqata oo dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarto wax u qabashada Muwaadiniinteedaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay