Muqdisho ( INO)-Farriintaan Maqalka ah oo uu soo diibay Hoggaamiyaha ugu sareeya Xarakada Al Shabaab oo ahayd tii ugu horreysay oo tan iyo markii Xarakada Majaraha u qabtay lagu baahiyo Baraha Internetka ayaa waxa uu uga hadlay arrimo badan.
Ugu horreyn ayuu sheegay in dalka Soomaaliya iminka uu ku jiro Gumeysi isagoo ku nuux nuuxsaday in dalka markii ay ka hirgashay ku dhaqanka Shareecada Islaamka xilligii Maxaakiimta ay ku soo duuleen Ciidamada Ethiopia , markii lala dagaalay Ethiopianka ayna isaga baxeen dalka hadana waji kale loogu soo diray waddanka Ciidamo African ah sida uu yiri.
Dhinaca kale Sheekh Axmed Diiriye ayaa waxa uu ku eedeeyay Ciidamada AMISOM in ay kufsi kula kaceen Caruur Soomaaliyeed oo gabdho 6 jirro ah ay ka mid yihiin, falalkaas oo sida uu sheegay ay ka geysyeen Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalooyinka Buuloburte iyo Maxaas.
Si gaar ah ayuu u farmuuqay in falalkaas Kufsiga ah ay ku kaceen Ciidamada ka kala socda dalalka Jabuuti iyo kuwa Ethiopia.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu shaaca ka qaaday Masuulka ugu sareya Al Shabaab in dhaqaalaha dalka uu marayo heerkii ugu hooseeyay abid taas oo sida uu sheegay ay ugu wacantahay in loo gacan galiyo dalal shisheeye ilihii dhaqaalaha waddanka oo uu horeeyo Turkey.
“ Turkey waxa uu qeyb ka yahay Isbaheysiga Nato oo meelkasta oo caalamka ka mid ah Muslimiinta ku xasuuqa, ayna dhagar ka tahay waxa uu ku beer laxawsado Muslimiinta ee ah in uu taageerayo” ayuu yiri Abuu Cubeyda.
Amiirka Al Shabaab ayaa u cuskaday hadalkiisa in Turkey-ga Ciidamada ilaalada Xuduudihiisa ay ku shish barteen Shacabka Syria ee ka soo cararayay duqeymaha Russia iyo Maraykanku ka geystaan dalkaasi Syria.
Waxaana uu u soo dhaadhacay Aafooyinka dhaqaalaha ee heysta dalka ee Turkey ee Masuulka ay ka yihiin Turkey-ga in ay cadeyn u tahay in 5000 Shaqaale oo ka xamaalan jiray Dekedda Muqdisho uu shaqadoodi hor istaagay.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Turkeyga ay cunaqabateeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ayna ka hor istaageen adeegyadoodii ka soo iibsiga iyo Iibgeynta Badeecooyinka ee Caalamka.
“ hadda waa adagtahay in qof Soomaali ah uu si Madax banaan u ganacsado isagoo xor ka ah awooda Turkey-ga” ayuu yiri Madaxa Al Shabaab.
Ganacstada Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay ku qasbanaadeen in ay iibsadaan raashiinka dhacay iyo kuwa Tayadooda xuntahay ee Turkey-ga uu ka soo dajiyo Dekedda Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
“ Dalka ayaa qarka u saaran in uu istaago Ganacsiga xalaasha ah ee uu lahaa wuxuuna lugaha la sii galayaa sicir barar xoogan” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeyda.
Hoggaamiyaha Al Shabaab ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in aysan ku indha saabmin wax uu ku tilmaamay wax qabadka liita ee dalka ka hayaan maadaama sida uu qabo ay ka darantahay aafada dalka ay badeen.
Dhinaca kale Sheekh Axmed Diiriye Abuu Cubeyda Amiirka Al Shabaab ayaa masiirka Maamul goboleedyada dalka ka unkumay ku xiray inta ay Ciidamada Shisheeye ku sugan yihiin Soomaaliya.
Sheekh Abuu Cubeyda ayaa ku eedeeyay Dowladda u marajaha u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh in ay tahay tii ugu horeysay ee u suura galisay in Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya uu guud ahaan ka arrimiyo dalka kaas oo ku sugan Villa Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Xarakada Al Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in haddii dadka Soomaaliyeed ay dib u milicsadaan taariikhdii Gumeystaha ay ka fahmi doonaan in waxa ka socda dalka ay dhameystir u yihiin qidadihii ay jeexeen Gumeystayaashii ay la dagaaleen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Sheekh Xasan Barsame.
Ugu dambeyn Amiirka Al Shabaab ayaa isla xiriiriyay dhammaan hay’adaha Shisheeye ee dalka ku sugan oo uu tilmaamay in ay yihiin Shirkado reer Galbeed ah oo dhaqaalaha Soomaaliya heysata , Cudud ilaalineysa Madax Soomaaliyeed oo u saxiixaya wax weliba oo rabitaankooda ah una dacaayad umadda ku marin habaabisa in shaqo abuur ay ka helayaan danahaasi gurracan sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay