Daawo Sawiro: Gudoomiye Prof. Jawaari iyo Wafdi Uu Horkacayo oo Gaaray Koonfur Afrika

0
445

Ceptown(INO) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Koonfur Afrika, iyadoo garoonka diyaaradaha Johannesburg ay kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Somalia ee Koonfur Afrika iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Jawaari oo soo dhaweynta kaddib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo gaaro Dalka Koonfur Afrika, uuna la kulmi doono Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta Koonfur Afrika.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa intuu Garoonka Diyaaradaha Johannesburg ku sugnaa, wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay Jaaliyaddii soo dhaweysay isagoo xusay in Safarkiisaan uu ahaa mid kadis ah, uuna uga faa’iideyn doono Bulshada Soomaaliyeed isagoo sheegay inuu kala hadli doono Dowladda Koonfur Afrika dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Jawaari oo aan safarkiisa uu ku yimid Koonfur Afrika aan horay loo sii shaacin, ayaa la filayaa inuu mudo gaaban ku sugnaan doono Johannesburg, iyadoo laga sugayo inuu si guud iyo si gaar ahba uu ula kulmo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, isagoo laga rajeenayo inuu cabashooyinkooda kala hadlo dowlada Koonfur Afrika.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay