Daawo Sawiro: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Sagootiyay Kooxda Kubadda Cagta KGS

0
519

Baydhabo(INO)- Kulankan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Konfur Galbeed ayaa sagootiyey Kooxda Kubadda cagta Konfur Galbeed oo dhawaan ka qeyb gali doona tartanka Isportiga ee loo qaban doono Maamulka Gobaledyada Dalka kaasi oo dhawaan ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.

Kulankaan Waxaa Soo Agaasimey Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbed soomaaliya ahna wasiirka hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed Waxaana Ugu Horeyn Ka Hadley Munaasabada Gudoomiyaha Sportiga Gobalka Bay Iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Bay Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed.

Waxaana sidoo Kale Kullankaan Lagu sagootginayey Koxda Kubada Cagta Konfur Galbeed Ka Hadley wasiirka Warfaafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshada Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi Maxamed, Gudoomiyaha Degmada C/laahi Cali Watiin, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Koonfur Galbed Maxamed Xaaji Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Sharif  sheekuna Maye.

Gebagebadii Munaasabada lagu sagootinayey Kooxda Kubda Cagta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa khudbad dheer ka jeediyey kusimaha Madaxweynaha koonfur Galbeed Isagoona sidoo kale Dhalinyarada Kula Dardaarmey In ay Muujiyaan Ciyaar Wanaag ayna Kamaamul ahaan Mar waliba ay garab taaganyihiin.

 Halkan Ka Daawo Sawiro.

11111213

0102030406070910

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay