Baydhabo(INO)-Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaiya, Maamulka Gobolka Bay,Kan Degmada Baydhabo iyo Bulshada ayaa ka shiray amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulan ay ku yeesheen magaalada ayey ka hadleen amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo sidoo kale la dagaalanka Al-Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ka joogaan dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ku Simaha madaxweynaha Koonfur Maxamed Xasan Fiqi iyo sidoo kale wasiirka warfaafinta ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay