DEG DEG: Al-shabaab Oo Weerar Xoogan Ku Qaadey Degaanka Goof-Gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay

0
449

Goof-Gaduud(INO)- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay.

Dagaalkaan ayaa billowday sida wararku ay sheegayaan kadib weerar ay ciidamada Al-shabaab si lama filaan ah ugu qaadeen xero ciidankan ku lahaayeen halkaasi.

Waxaa dagaalkan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta laakiinse lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda waxay sheegeen inay dileen in ka badan 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa dhawaan weerar waxay ku qaadeen xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay deganaayeen ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay