Daawo Sawiro:Wafdi ka socda urur gobolleedka IGAD oo Odayashaa dhaqanka kulamo kula leh magaalada Baladweyne

0
326

Baladweyne (INO) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo gaaray wafdi ka socda urur goboleedka IGAD,kuwaaso si weyn loo soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya wakiilka urur goboleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, waxaana garoonka diyaaradaha ee magalada Beledweyne ku soo dhoweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM.

Xubnaha wafdiga ayaa socdaalka ay ku tageen magaalada Beledweyne waxay ku sheegeen in uu qeyb ka yahay dar-dargelinta dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan Odayaash dhaqanka Hiiraan , iyadoo qorshuhu yahay in reer Hiiraan laga dhaadhiciyo dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waa booqashadii labaad oo wafdi ka socda IGAD ay ku soo gaaran Baladweyne,24-kii bishii hore ayaa sidan oo kale waxaa usoo gaaray xarunta gobolka Hiiraan wafdi uu hoggaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo marka la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee reer Hiiraan.

1 2 3 4 5 6
__
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay