Daawo Sawiro: Wafdi ka Socda Midowga Afrika oo Qiimeynaya Doorashada oo Muqdisho soo Gaaray

0
298

Muqdisho(INO) — Wafdi ka Socda Midowga Afrika ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo qiimeyn ku sameyn doona doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo Dhammaadka sannadkan 2016-ka.

Xubnaha wafdigan oo ka kooban afar, ayaa waxay u kuur-geli doonaan sida loogu diyaar-garoobayo Doorashada dhacaysa bilaha August iyo September ee Sannadkaan iyo waxyaabaha u baahan in laga caawiyo Dowladda Somalia.

“Halkan [Somalia], Waxaan u nimid inaan dhageysanno dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, sida AMISOM, UNSOM iyo Qaybaha kale ee doorashada Somalia ay quseyso. Sidaas awgeed waxaan eegaynaa waxa loo baahan yahay, waxaanan markaas kaddib ka fikiraynaa sida aan gacan uga geysan karno doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu yiri Olabisi Dare oo ah hoggaamiyaha wafdigan.

Sidoo kale, Wafdigaan, ayaa waxay la Kulmeen Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Caetano Madeira, RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte iyo Saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM kuwaasoo ay ku jiraan; Lydia Wanyoto iyo Jen. Nakibus Lakara.

Dhanka kale, Wafdigan ayaa la kulmi doona madaxda Dowladda Federaalka Somalia, kuwa Maamul-goboleedyada dalka iyo weliba qaybaha kale ee Bulshada, iyagoo Dhamaantood kala hadlaya arrimo quseeya doorashooyinka Soomaaliya  ee sannadkan.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxay sheegeen in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay gacan ka geysato Qabsoomida Doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doonta sannadkan… ayna u soo diri doonaan guddi kormeerayaal ah.

“Waxaan u kuur-geli doonnaa taageerada loo baahan yahay iyo sida ay uga qayb-qaadan karaan ciidamada AMISOM doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Somalia. Waxaana dhammaan goobaha ay doorashada ka dhici doonto oo dhan la geynayaan wax walba oo loo baahan yahay si amniga loo sugo,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Olabisi.

Ugu dambeyn, Madaxa Wafdigan ka socday Midowga Afirka ee Muqdisho soo gaaray ayaa carrabka ku adkeeyay inay rajeynayaan in doorashooyinka lagu wado inay Somalia ka dhacaan ay noqdaan kuwo ku dhaca si xalaal ah oo ay dadka oo dhan ku qanacsan yihiin.

Halkan Ka Daawo Sawiro.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay