Aqoon isweydaarsigaan oo socondoona mudo shan cisho ah ayaa fulintiisa Waxaa iskakaashaday wasaarada maaliyada iyo qorsheynta Xuukumada Soomaaliya iyo xarun goboleedka hogaaminta horumarinta waxaana furitaankiisa Kahadlay xubno katirsan xuukamada iyo baarlamaanka Soomaaliya.
Inta uu socdo waxaa looga doodi doona habka ugu wanaagsan oo loo bixin karo Canshuurta si dadka loogu adeego iyadoo muhiimada lagu saari doono islaamka Iyo canshuurta
Wasiirkuxigeenka wasaarada horumarinta adeega bulshada oo goobta kahadlay Ayaa Sheegay in wasaaradiisa laga sugayo hirgelinta adeegyo lacag la,aan ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka taasina ay ku xirantahay bixinta Canshuurta
Wasiiru dowlaha maaliyada iyo lacagta Maxamed Rashiid Sheekh Daahir ayaa isna Fahfaahin kabixiyay waxyaabaha keenay in dowladu xiligaan ay bilowdo Dardargalinta howlaha canshuuraadka dalka.
Dr. Cabdi Shire warsame gudoomiyaha xarunta hogaaminta iyo horumarinta oo Kahadlay goobta ayaa ka dhawaajiyay halku dhigyo muhiim ah oo lagama amaarmaan u ah canshuurta
Lixdan ruux oo matelayay qeybaha bulshada oo aqoon isweydarsigan ka Qeybgalaya xubo u hadlay wax ay soo dhaween arintan laakin waxa ay adkeeyeen Sida loogu baahanyahay bixinta canshuurta iyaga oo ugu baaqay dowlada inay soo Bandhigto waxyaabaha bulshada loogu qabanyo canshuurta
Ugu danbeyntii wasiirudowlaha maaliyada Maxamed Rashiid Sheek Daahir ayaa Sheegay in dowladu dhamaan deegaanada ay kataliso ay kabilaabi doonto Qaadista canshuuraha bariga.
Idale News Muqdisho