Dhageyso: Dowlada Sacuudi Carabiya Oo Bixineysa 5 Million Oo Doolar Oo Lagu Dhisaayo Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Baydhabo

0
594

Baydhabo(INO)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax) iyo Wefdi uu Hogaaminay ayaa soo gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Wasiirudaha ayaa  ka hadley Nuxurka Ujeeda Safarka uu yimaadey Magaalada Baydhabo isla markaaana waxa uu xusey in Safarkiisu uu daaran yahay Labo arimood oo kala ah; Mashruuca Dib u dhiska iyo balaarinta Garoonka Dr. Shaati Gaduud International Airpt Ee Magaalada Baydhabo iyo weliba Cambaareyn odayaal la gowracey iyo Xaalada ay ku sugan yihiin Dadkii ka soo Caratey Degaanka Goof Gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay halkaas dhawaan ay jirtey Xasrado Colaaadeed oo u dhexeysa Al-shabaab iyo Ciidamda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiiru dowladaha ayaa sidoo kale tilmaamey  in xariir Wanaagsan uu ka dhexeeyo Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Ee DFS iyo kuwoMaamul goboleedyada Dalka isla markaana waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha KGS iyo DFS ay ka wada hadleen Sii balaarinta Garoonka Dr. Shaati Gaduud Ee Baydhabo.

” Waxa dhawaan Dib u dhisyo iyo Sii Balaarin lagu sameyn doona Garoonka Dr. Shaati Gaduud, Mashruucan waxaa bixineysa Dowlada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxa uu ku baxaya 5 Million Oo Dollar” ayuu yiri  Wasiir Fanax.

Dhan kale wasiirka waxa uu cambaarayey  odayaal dhawaan lagu gowracey Duleedka Degaankada Goof-gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay.

” Waxaan aad u xun nahay oo aynu cambaareyneynaa dhibkii ka dhacey degaanka goof gaduud Shabellow, odayaal aan ku jirin siyaasada is diidan ee soomaaliya lagu dhibaatadeeyey isla markaana la qafaashey  oona la diley ” ayuu mar kale yiri.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay