Qarax khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
266

Muqdisho (INO)—Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Gaari nuuca loo yaqano Hoomey oo ay la socdaan in ka badan 20 Ruux waxuu ku haleelay Degaanka Lafoole ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo Shacabkii uu siday ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa ku wajahnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen IdaleNews.com

Dadka Degaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux oo ka mid ahaa Rakaabka Gaariga waxaana intaasi ay ku dareen in uu jiro dhaawacyo kala duwan.

Gaarigan ayaa la sheegaya in uu soo gaaray khasaaro xoogan oo burbur ah, waxaana Dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi la sheegayaa in loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay