Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorsho lagu galinayo Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho nalalka ku shaqeeya Cad ceeda Qoraxda.
Wadada Maka Al- Mukarama kaliya ayey Markii hore ku jireen Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya hadana waxaa socda Qorsho maalmaha soo aadan Nalalkaasi lagu galinayo laamiga Dheer ee Wadnaha gaar ahaan inta u dhaxeysa Sanca ilaa Tarabuunka.
Hada Waxaa laamiga Wadnaha kasocda Howlo nadaafadeed iyadoona inta badan hada la diyaariyay Godadadkii la galin lahaa Baalayaasha Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya oo la filayo maalmaha soo aadan in lasoo dhameestiro lana shido.
Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan ayaa aad usoo dhaweeyay dib usoo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho iyo in magaalada la galiyo Leerar ku shaqeeya Cad ceeda .
Idale News Muqdisho