Muqdisho (INO)-Saraakiisha ciidamada ethiopia ee ka howlgala Deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Meydadka maleeshiyaadkii lagu laayay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Halgan.
Saraakiisha ayaa sheegtay in dagaalyahaanada ay dileen ay ku jireen kuwo ajnabi ah oo halkaasi lagu dilay.
Saraakiishu waxa ay intaa ku dareen in Ajaanibta ay tirro ahaan gaarayaan ilaa Lix kuwaasi oo isugu jiray Carab iyo wadamo kale oo Yurubta ka mid ah. Meydadka qaar ayay diiden inay soo bandhigaan sababo la xiriira baaritaan lagu sameynaayo dhalashadooda.
Idale News Online, Halgan