Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay gole wasiiro oo ka kooban 17 wasiir oo mid ka mid ah ay tahay haween.
Golahan wasiirada ayaa isugu jira kuwo hore iyo qaar ku cusub maamulka Jubba, iyadoo toddobaadkan uu Axmed Madoobe u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ahaa siyaasiyiin ka soo horjeeday maamulkiisa.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday wada tashiyo kala duwan oo uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada, waxaana horay Baarlamaanka Jubbaland uu waqti dheeraad uu ugu daray muddo uu codsaday inuu ku soo magacaabayo Gole Wasiiro.
Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan maalmaha soo socda Golaha wasiirada cusub.
Akhriso magacyada Wasiirada iyo Wasiir kuxigeenada:-
Idale News Online, Muqdisho