Ciidamada NISA Oo Toogtay Nin Hubeysan Qof Shacab Ah Ku Dilay Degmada Huriwaa

0
315

(Jowhar)— Ciidamada Nabadsugida ee degmada Huriwaa ayaa xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysan bastoolad iyo bam gacmeed, kadib markii qof shacab ah uu dilay, isla markaana bambooyin ku tuuray ciidamada.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la toogtay uu ciidamada amniga iska caabin kala hor-yimid, kadibna la toogtay.

“Xalay ciidamada Amnigu waxay daba-joogeen nin hubeysan oo qof shacab ah ku dilay degmada Huriwaa, markii ciidamada damceen inay soo qabtaan, ayuu iska caabin kala hor-tagay, kadibna ciidanka ayaa toogtay”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay muddo ceyrsanayeen ninkan, ugu dambeyna la toogtay.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay howl galada lagu sugayay amniga oo ay ka wadeen magaalada Muqdisho, waxaana dhowaaahan la qabtay baabuuro waxyaabaha qarxa lagu diyaariyay oo weeraro lagaga geysan rabay meelo ka mid ah magaalada.