Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ka warbixiyay xaalada magaalada

0
211

Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa faahfahin ka bixiyay xaaladaha amaaanka iyo nololsha ee ka jirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Shir jaraa’ido oo uu maanta ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose guddoomiyaha KMG ah ee ka jiro magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa waxa uu uga hadlay xaalada amaan ee ka jirto magaalada Kismaayo isagoo sheegay in amaanka uu yahay mid wanaagsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xaalad bini’aadannimo ay ka jirto Kismaayo isagoona dowladda iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay gurmad la gaaraan dadka ku dhaqan Kismaayo.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay waxbarashada ayaa waxa uu timaamay in ay tahay mid wanaagsan balse iskuulada waxbarashada ay yihiin kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in magaalada uu ka howlgalo hal isbitaal kaas oo ah Isbitaalka Kismaayo loona baahan yahay in la baraariyo.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa carabka ku dhuftay in dadka ku dhaqan Kismaayo ay noloshooda ku tiirsaneyd dhoofinta Dhuxusha, balse ay saameyn ku yeelatay joojinta dhuxusha.

Idale News Muqdisho