Britain oo ciidamo qarsoodi u soo direysa Soomaaliya, si ay u caawiyaan ciidamada dowladda

0
244

Dowladda Britain ayaa Soomaaliya u soo direysa ciidamo isugu jira la taliyeyaal iyo saraakiil dhinaca tababarka, si ay u caawiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida lagu qoray Wargeyska The Times ayaa sheegay in ciidamadan qarsoodiga ay dhowaan imaan doonaan magaalada Muqdisho, si ay u qiimeeyaan amaanka, isla markaana Britain dib safaaradeeda uga furato.

Waaxda difaaca Britain ayaa la sheegay inay go’aansatay in ciidamada qarsoodiga ay u dirto Soomaaliya, si looga hortago in Al-Shabaab mar kale awood la soo baxdo.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamo British ah lagu arkay degmada Afgooye, xilligaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeen.

Ciidamada British-ka ayaa taageerayay ciidamada AMISOM oo tababaro ku siinaya xeryaha Muqdisho, isla markaana ka gacan siinayay la dagaalanka Shabaab.

Britain ayaa bisha May dalkeeda ku qabaneysa shir caalami ah oo looga hadlayo Soomaaliya, iyadoo shirkaas ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Idale News Muqdisho