Madaxweyne Mursi: Uma Jeedo kaalinta Madaxda Carabta ee Somalia

0
229

Madaxweynaha Dalka Masar Maxamed Mursi oo ka hadlaayay Shirka Ururka Islaamka ee maanta lagu wado inuu soo gabagaboobo ayaa waxa uu sheegay in Dowladaha Carabta looga baahanyahay inay kaalin fiican ka qaatan Horumarinta Dalka Somalia oo iminka ictiraaf ka helay Dowladda Mareykanka

Madaxweyne Mursi oo Shirkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu Madaxda kahor sheegay in Soomaaliya xiligaan kasoo gudubtay waxa loogu yeero ku meel-gaar Madaxda Carabta waxaa looga baahanyahay inay taageero siiyan Xukuumadda iminka soo kabsaneyso ee Somalia waxa ayna u bahantahay in laga garabsiiyo dib u dhiska Dalka iyo Ciidanka Qaranka’’

Mursi ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Carabta iminka looga fadhiyo sidii ay Somalia ugu soo celin-lahaayen sida ay ahaan jirtay 20-sano kahor loona baahanyahay inay Shacabka Somalia ay kasaaran dhibaatooyinkii kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay dalka iyo daafihiisa

Si kastaba ha ahaatee Madaxda shirkaasi ka hadleysay ayaa inta badan carabka ku dhufatay sidii Somalia wax looga qaban lahaa islamarkaana looga saari lahaa dhibaatooyinkii ku habsaday shcabka Hayeeshee kulanka madaxdaasi ayaa u muuqda in Dalka Somalia uu waxbadan ka badali doono maadama wadan waliba uu wadanka kale ugu baaqay in Somalia garab lasiiyo.

Idale  News Muqdisho