Axmedinejad:- Madaxda Carabta waa inay ka hadlaan Dhibaatooyinka lagu haayo Syria iyo Gaza

0
222

Madaxweynaha Dalka Iran Mahmoud Ahmadinejad oo iminka ku sugan Magaaladda Qahira ee Dalka Masar ayaa waxa uu Madaxda Carabta ugu baaqay inay ka tashtaan dhibaatada Israel ay ku hayso Syria iyo Gaza il gaar ahna ku eegan Xasuuqyada ay Israel u geysaneyso Shacbiyada kasoo kala jeeda labadaasi dal

Mahmoud Ahmadinejad ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamada dunnida Muslimka iyo beesha caalamkaba inay qaadaan tilaabo ka dhan ah gar darrada Israeliyiintu ku hayso Syria iyo Falastiiniyiin iyo duqeymaha ay kawado Deeganada ay kunool yihiin birimageytada

Madaxweyne Najaad waxaa uu sheegay in Falastiiniyiintu ay u baahan yihiin garab ay ka helaan wadamada dunida Muslimka si ay uga bad baadaan dulmiga Yahuuda, ay ka geysanaayan Deeganada ay kunool yihiin

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Najaad ayaa isagu carabka ku dhuftay in Xukuumadiisu ay kaalin sare ka qaadan-doonto Dhibaatooyinka lagu haayo Syria iyo Falastiiniyiinta waxa uuna codsi u diray Beesha caalamka inay kaalin lixaad leh ka qaadato sidii lagu joojin lahaa Dhiiga daadanaaya ee Syria iyo Falastiin.

Idale News Muqdisho