Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta dadka oo ay ka qeyb galeen hay’ado kale ku yeeshay magaaalada Muqdisho.
Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulan ay uga hadlayeen xallinta khilaafadaka ,dib u heshiisinta iyo wax yaabihi ugu dambeyey ee uga qabsoomay dhinaca dib u heshiisiinta.
Waxana sidoo kale maanta gudiga dib u heshiisiinta Qaranka uu la midoobey hayaad taqasuskeeda uu yahay xallinta khilaafadka .
Waxa hay’adasi ka socaday Mahad Cumar Cabdi oo xusay in xalka kaliya ee ay dadku ku gaarikaraan horumar iyo nabad ay tahay wadda xaajoodka iyo wadahadalo si loo asiliyo khilafka sababa kala taga iyo colaada.
Waxa ugu dambeyntii kulanka soo afjaray gudoomiyaha Gudiga dib u heshisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse oo xusay in horumar ay ka samyeen dhinaca baaqyada nabada aadna ay u soo dhaweynayaan aqoonsiga iyo tageerada uu aduunku u muujiyey dowlada Soomaliya.
Gudiga dib u heshiisiinta ayaa ah gudi u taagaan wada hadalka, xallinta khilaafaadka iyo dhexdhaadinta bulshad.
Idale News Muqdisho