Madaxweynaha J.F.Soomaaliya oo kulamo la qaatay madaxda wadamada Ciraq iyo Masar

0
205

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalalka Islaamka ee ka qeyb galaya shirka uga soconaya magaalada Qahira.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynaha Masar Maxamed Mursi iyo Madaxweynaha dalka Ciraaq Nuuri Al-Maliki,  wuxuuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay dowlada Soomaaliya la wadaagto wadamadaasi.

sidoo kale madaxweynuhu wuxuu uga warbixiyay horumarka ka jira waddanka Soomaaliya iyo dowrka ay ka qaadan karaan dib u dhiska wadanka Soomaaliya.

waxaana la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sii wado kulamada gooni goonida ah ee uu la qaadanayo madaxda wadamada Islamaaka ee ka qeybgalaya Shirka uga socda magaalada Qahira.

Idale News Muqdisho