Col Jookar: ” Ciidamada U.S iyo DF Waa ay ku fashilmeen weeraradii ay ku qaadeen Al Shabaab”

0
418

Muqdisho ( INO)-Col Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ahaa Saraakiishii la soo shaqeysay Milatariga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay  dhicisoobeen weeraradii Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay ku qaadeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee ay maamulaan Al Shabaab.

Cabdinuur Jookar ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay heleen xogo la xiriira weeraradaasi inta aanu dhicin  taasna ay keentay in ay ka hortag isaga sameeyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale Korneelka ayaa shaaca ka qaaday in weeraradaasi aan laga gun gaarin u jeedooyinkii laga lahaa ee ahaa in lagu bur buriyo saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyiiin Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Col Jookar ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in Daruus fiican ay  laga barato weeraradaasi ay ku fashilmeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee kaabayay.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu kula taliyay Korneelku masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay isbedel ku sameeyaan Saraakiisha dowladda ee horkaceysa howlgalladaasi guul dareystay.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ajaanib ah ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxa ay ka wadeen deegaanno iyo degmooyin hoostaga Shabeelaha Hoose ee ay ka arrimiyaan Al Shabaab.

Idale News Online, Muqdisho