DEG DEG: Ciidamo Kuwada Tirsan KGS Oo Isku Rasaasayey Bartamaha Magaalada Baydhabo

0
639

Baydhabo(INO)- Waxaa Saaka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay isku raasayay ciidamo ka tirsan Kuwo dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo khilaaf soo kal dhexgaley.

Is rasaaseyn xoogan oo argagax galisey Shacabka Magaalada ayaa Mar qura laga magley bartamaha Magaalada Isla markaana waxa la sheegey in ciidamo ka tirsan Kuwo Booliska Gaarka ah Ee koonfur Galbeed Soomaaliya ay rasaasayeen taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gaarka ah Ee KGS Mr. Maxamed Isaaq Caracase.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegey khilaafka meeshu uu salka ku haayo, waxayna ku soo beegan tahay xilli daqiiqo ka dib madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden la filayo in uu kormeero xarunta Wasaaraha Ee Bay Project.

Warkan Wixii ka Soo Kordho Kala Soco Idale News Online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here