Siminaar loo furay shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta

0
194

Siminarkan oo lagu baranayo  habka taxanaha TV-ga, tayeynta muqaalada wararka, barnaamijyada  iyo sidoo kale kaydidinta ayaa manta loo furay shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta waxaana ka qeyb galay munaasabada furitaanka tababarkan ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

Simanarkani ayaa waxaa bixindoona khabirro Soomaaliyeed oo ku xeel dheer tayeynta hawlaha TV-ga  iyo kaydintiisaba, waxaana aqoonyahanada bixin doono ay yihiin kuwo iskood isku xil qaamay si ay aqoontooda uga faa’ideyaan shaqaalaha ka howlgala TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  C/risaaq Cali Yuusuf  “Bahlaawi” oo hadal ka jeediyay furitaanka siminaarka ayaa uga mahad celiyay  aqoonyahanada isku xilqaamay in ay aqoontooda uga faa’ideeyeen shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya C/shakuur Cali Mire  ayaa tilmaamay in howlwadeenada TV-ga ay faa’ido weyn u tahay.

Wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa wadday muddooyinkii u dambeeyay dadaallo lagu horumarinayo  aqoonta iyo xirfadda  howlwadeenada wasaaradda gaar ahaana waaxda warbaahinta.