AMISOM oo Beledweyn ku soo bandhigay dhalinyaro ka soo goosatay Shabaab Saraakiisha AMISO

0
218

Saraakiisha AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta magaalada Beledweyn ku soo bandhigay dhalinyaro ka soo goosatay Shabaab, iyagoo sheegay inay isa soo tarayaan dadka isku soo dhiibaya ee ka soo baxsanaya Al-Shabaab.

Dhalinyaradan la soo bandhigay oo gaarayay ilaa shan dhalinyaro ayaa saraakiisha ay sheegeen inay ka bar bar dagaalamayeen Shabaab, hase ahaatee ay go’aansadeen inay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibaan.

Saraakiisha AMISOM ee ka socota Jabuuti ayaa sheegay inay jiraan dad lagu soo qabtay howl galo oo ku xiran Saldhiga beledweyn, balse baaritaan uu ku socdo, dhowaana ay saxaafada u soo bandhigayaan.

Waxaa ay sheegeen in sagaal ruux ay ku soo qabteen dagaalka, oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana AMISOM beenisay wararka sheegaya in qasaare ka soo gaaray dagaalkii habeenka jimcaha.

Ciidamada Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda, iyadoo jimcihii gaaray deegaano Al-Shabaab kaga sugnaayeen duleedyada magaalada.

Idale News Muqdisho