Waxaa garoonka banaadir Stadium (Ex-Conis) lagu soo gabogabeeyey tartammo ciyaaraha fudud oo ay ka qeybgalayeen boqolaal orodyahanno oo heerarka kala duwan ilaa dugsiyada G/banaadir ka kala socdey.
Tartanka oo loogu magacdarey (Muqdisho Peace Run)ayaa todobaadkii ugu danbeeyey ee bisha Janaayo waxaa uu ka socdey wadooyinka waaweyn ee Muqdisho iyadoo qabashadiisa ay iska kaashadeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud iyo ururka Somali Run ee ka dhisan dibadda ayna ka socdeen orodyahadii hore ee Cabdi Warsame iyo C/qaadir Caraalle.
Gabogabadii oo xaflad balaaran lagu qabtey gudaha garoonka banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax ka socotey wasaaradda Hormarinta iyo adeega bulshada,Madax ka tirsan Gudiga Olympikada Soomaaliya,Madaxda Xiriirada qaarkood iyo ururada dhinaca ciyaaraha ee dalka dibadiisa ka dhisan iyo taageerayaal aad u badan.
Khadiijo Daahir oo ah Ku-xigeenka XSCF ayaa halkaasi ugu horeyn ka hadashey iyadoo u mahadcelisey dhamaan dadkii gacanta ka geeystey tartankaasi oo lagu muujinayey nabadda Muqdisho, waxaana ay xustey in Somali Run ay si wadajir ah u qabteen tartankaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hormarinta iyo Adeega Bulshada > Bashiir Maxamed Jaamac oo isna halkaasi ka hadley ayaa si weyn u ammaaney dadaalka madaxda GOS iyo xiriiradiisu ka sameynayaan dhinaca ciyaaraha dalka,isagoo si gaar ah u amaaney xiriirka CF ee soo agaasimey tartankaasi.
Sidoo kale Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax ayaa halkaasi ka sheegey in XSCF ay wadaan dadaalo dhinaca hor u marinta nabadda iyo Ciyaaraha ah,gudigiisa Olombikaduna mudnaan gaar ah siinayo xiriirada dadaala sida Ciyaaraha Fudud.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino kala duwan oo ciyaaryahannadii kaalimaha kala gedisan galey ee isugu jirtey Wiilal iyo gabdho la gudoonsiiyey.
Idale News Muqdisho