Qamar Haashim waxa uu jiraa 8-Sanno waa Wariyaha caalamka ugu yar isaga oona qaabilsan Qeybta Kaamirada TV ku yaala Dalka Ciraaq
Qamar Haashim waxa uu nolol maalmeedkiisa ka raadsada Sawirada uu u qaado Tv-ga isaga oo inta kale ka shaqeysta dhanka duubista Filimada iyo Wareysiyadda waxa ayna wararku sheegayan in Qamar uu aabihiisa ahaa Wariye caan ka ah dalkaasi Ciraaq waxa uuna geeriyooday isaga oo ku mashquulsanaa Howlihiisa saxaafadeed
Kaamiriiste Qamar waxa uu kasoo jeeda Deegan lagu magacaabo ‘’Kut’’ oo Magaaladda Baqdaad kaga beegan 100M dhanka Koonfurta
Si kastaba ha ahaatee Kaamiriistaha ayaa iminka haaya ama quudiya Qooyska uu kasoo jeeda oo lagu sheegay inay yihiin kuwa Faqiir ah oo aan awoodin nolol maalmeedkooda.
DAAWO SAWIRADDA:-
Idale News Muqdisho