Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cabdi qaadir Cismaan Mursal ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Dagaalyahaano katirsan Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab oo dilal kala duwan geestay
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay Howlgalo ka sameeyen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuna soo qab-qabteen Tiro dagaalyahaano shabaab ah
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ragga lasoo qabtay lagu raad jiray in mudda ah waxa uuna sheegay inay Ragaasi dilal kala duwan ugu geesteen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Gudaha Degmada Afgooye
Si kastaba ha ahaatee Dagaalyahaanaha Shabaab ee iminka lagu qabtay Duleedka Afgooye ayaa la sheegaya inay dhibeen dadka kunool Afgooye waxaana sidoo kale la sheegaya inay ahaayen kuwa doonaayay inay dilaan Ciidamo katirsan kuwa Dowladda.
Idale News Muqdisho