Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka arinsanaaya Sidii Somalia looga qaadi lahaa Xayiraada Dhanka hubka ee la saaray sanadii 1992- ilaa iyo iminka
QM ayaa sidoo kale sheegtay in Xiligaani Xukuumadda Somalia ay awood buuxda u leedahay inay dhisto Dowlad lagu kalsoonyahay maadama ay aqoonsi ka heshay Dowladda Mareykanka
Ban Ki-moon Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dedaallo dheeraad ah loo baahan yahay si loo horumariyo Ciidamada Qaran ee Soomaaliya
Ban Ki-moon ayaa carabaabay in Golaha Ammaanka uu tixgelin siinayo xukuumadda Somalia oo iminka lasoo baxday waji ka duwan wajiyadii looga bartay waxa uuna sheegay in Golaha Ammaanka looga fadhiyo sidii ay Somalia looga qaadi lahaa Xayiraada Hubka
Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa tilmaamay in Xukuumadda Somalia ay u baahantahay Hub iyo qalabeynta Ciidanka taasina lagu heli karo in Somalia laga qaado Xayiraada Hubka Balse arintaasi ay kusoo afmeeri doonan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Idale News Muqdisho