Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dad jabiyay hadalka maamulka Banaadir waxa uuna sheegay in xiligaani wixii ka dambeeya ay Ciidamada amar u qabaan inay bur-buriyaan goobaha ganacsiga ee ku yaala hareeraha wadooyinka Magaaladda Muqdisho iyo daafaheeda
Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dadka ku ganacsada Hareeraha wadooyinka Xamar weyne ay yihiin kuwa aan tixgalin amarka maamulka waxa uuna sheegay Khasaaraha kasoo gaara bur-burinta goobahooda inaysan Xukuumadda Masuul ka ahayn
Waxaana uu sheegay in ganacsiga uu leeyahay goobo loogu tala galay laamigana loogu tala galay in dadka iyo gaawida ay isticmaalaan waana muhiim in ay dadka sidaas u fahmaan ayuu yiri Tarsan mar uu ka hadlaayay xaflad dib loogu furaayay xarunta Dagmada Xamar weyne ka dib dayactir lagu sameeyay xaruntaasi.
Idale News Muqdisho