Saraakiisha Ciidamada Dalka Jabouti iyo Maamulka Gobolka Beledweyne ayaa maanta furay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne oo loogu wan qalay ‘’Garoonka Ugaas Khaliif’’.
Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa noqonaaya garoon ay ka adeegtan Ciidamada Dalka Djibouti ee xubinta ka ah AMISOM Garoonkaasoo la sheegay in inta badan ay ku adeegan doonan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo iminka aan dhulka ku tagi karin Magaaladda Beledweyne
Dhanka kale Taliyaha ciidamada AMISOM Kornayl Cismaan Dubbad oo la hadlaayay saxaafadda ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dayactirka ay ku sameynayeen garoonka Ugaas Khaliif isla markaana ay ku saa’idiyeen dhismaha garoonka ilaa 3 mitir oo dheeri
Si kastaba ha ahaatee Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Garoonka ay dhawaan albaabada u furi doonaan si uu ula tartamo garoomada duulimaadka sida aadann caddie.
Idale News Muqdisho