Sida ay goor dhow shaaciyeeen Al-shabaab barta internetka ayey ku sheegteen inay ka dambeeyeen qarixii Ismidaaminta ahaa ee Saakay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ismiidaaminta ah ay maanta la beegsadeen xarun u dhexeysa guriga Ra’iisul Wasaaraha iyo Safaaradda Itoobiya halkaas oo ay ku sugnaayeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan kuwa ammaanka Dowladda Soomaaliya ayey Al-Shabaab ku yiraahdeen qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen Todobo ka tirsan Saraakiisha Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya oo ay ku jireen saddex ay si gaar ah u baadi goobayeen sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay Al-Shabaab.
Ugu dambeyn waxa ay qoraalkooda ku sheegeen Al-Shabaab in weerarkan uu qayb ka yahay weerarrada ay doonayaan inay kula dagaalamaan Saraakiisha Dowladda, waxaana sidoo kale lagu sheegay in Cadawgu uusan heli doonin goob uu uga badbaado Weerarada Al-shabaab sida lagu yiri qoraalka ay soo saareen Al-Shabaab.
Saaka ayey ahayd markii nin isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku qarxiyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Idale News Muqdisho