Baydhabo(INO)- Wafdi Balaaran aad u balaaran oo ka kooban 73 xubnood oo ah dhamaan Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano badan oo ka wada tirsan dhamaan beelaha Soomaaliyeed iyo Gudiga Dastuurka ee madaxa banaan ee uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyagoo ku socdey 3 diyaaradood.
Ujeedada safarka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la xiriirta shirar wacyi gelin ah oo ay u qabanayaan qeybaha bulshada iyo Koofur Galbeed, kaasoo ku aadan dib u eegista dastuurka.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen ayaa sheegay in shirkan uu qeyb ka yahay shirar dhowr ah oo lagu qaban doono dhamaan xarumaha maamul goboleedyada.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shacabka ku nool gobolada dalka ay u bandhigayaan dastuurka, isla markaana ay kala hadlayaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa.
Shirarkan looga hadlayo dib u eegista Dastuurka ayaa socon doona 14-17 bishan, waxaana aragtida iyo fikradaha la isku dhaafsan doono ay noqon doonaan kuwo la uruurinayo, isla markaana la soo bandhigayo.
Ugu dambeyntii, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan daah furay shir ku saabsan dib u eegista Dastuurka, iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho ay gaareen Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada.
Halkan Ka Daawo.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo