Qaxooti Soomaali ah oo tahriib ahaan ku galay Jesiiradda Malta, ayaa hooddo iyo nasiib u helay inay deganaansho ka helaan dalalka Maraykanka iyo Poland.
Hadal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) aya lagu sheegay in 26 Qaxooti u kla dhalatay dalalka Somalia, Sudan iyo Eriteria oo ku sugnaa Jesiiradda Malta loogu helay Deganaansho Maraykanka iyo Poland.
Hay’adda Qaxootiga ee Maraykanka ‘US Refugee Admission Programe, ayaa qabanqaabisay in 21-Qaxooti loo duuliyey dalka Maraykanka si ay nolol cusub iyo deegaan cusub ula kowsadaan.
Sidoo kale, Dowladda Poland ayaa 5-Qaxooti Somali iyo Sudan ah oggolaatay in dalkooda dib-u-dejin ka helaan, iyadoo Tallabadaasi qeyb ka tahay Wejiga Labaad ee Barnaamijka Dowladaha ku bahoobay Midowga Europe ee daryeelka Qaxootiga oo loo yaqaano (Euroma II).
Dowladaha dalalka Bulgaria, Germany, Sweden, Holland iyo kuwo kale, ayaa iyagana sheegay inay diyaar u yihiin inay Maamulayaasha Malta gacan ka siiyaan sidii Qaxootiga Afrikanka ee tahriibka ku soo galay Jesiirdda Malta usiin lahaayeen Dib-u-dejin.
Idale News Muqdisho