Dhageyso: Gudoomiye Rashiid” Shacabka Baydhabo iyo Ciidamada Wada Shaqeyn Ayaa Ka Dhexeyso”

0
205

Baydhabo(INO)- C/rashiid C/laahi Maxamed Gudoomiyaha gobolka Bay Dowlada koonfur galbeed ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay Idalenews.com ayaa waxa uu ka hadlay amaanka magaalada Beydhabo.

Waxaana uu sheegay in amaanka hada uu yahay mid la isku haleyn karo oo dagan, isagoo dhanka kalana sheegay in magaalada amnigeeda ay gacanta ku hayaan ciidmada booliska, Nabad sugidda iyo kuwa daraawiishta koonfur galbeed.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa waxa uu sheegay in laamaha amaanka iyo shacabka magaalada Baydhabo ay ka wada dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Waxaana uu amaan u jeediyay shacabka reer Baydhabo, islamarkaan ka codsaday in ay sii wadaan wada shaqeynta.

Halkan ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here