Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed, islamarkaana Baarlamaanka hadda jira xubin ka ah ayaa sheegay in Somaliland la mid tahay maamulada kale ee dalka ka jira, waxay ka duwantahayna aysan jirin sida uu yiri, isagoo xusay inuu soo dhaweynayo go’aanka Mareykanka ee ku aadan Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u taageeray in dowladda Soomaaliya ay ka mas’uu tahay xiriirka caalamka iyo arrimaha dibadda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in maamul goboleedyadu aysan arrimahaasi wax shaqo ah ku lahayn kuna yeelan Karin sida uu yiri Cali Khaliif Galeyr.
“Anigu ma qabo in Somaliland iyo maamulada kale ee hadda jiraa ay door ku leeyihiin arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamka arrintaasi dowladda dhexe ayaa leh” ayuu yiri Prof Galeyr.
“Somaliland kama duwana maamulada kale ee Dalka jira Sida Puntland iyo Ximan iyo Xeeb arrimaha dibaddana dowladda Soomaaliya ayaa iska leh” ayuu hadalkiisa raaciyey Cali Qaliif Galeyr
Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu ka hadlay sida uu u arko joojinta siyaasaddii dowladda Mareykanka ee ay kula macaamiili jirtay dalka Soomaaliya ee lagu magacaabi jiray Dual Track Policy waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in Dual Track ay dowlada Mareykanka ka tanaasushay waxa uuna markale yiri “Waan ku faraxsannahay inay ka baxeen”.
“Arrinta Somaliland illaa ay Somaliland Madaxdeeda iyo Waxgaradkeedu qadiyadeedu si weyn ay isku badasho wax allaale aan isku sheegi karnaa ma ay jiro, waxaan isku nahay ma ay jiro, anagu kama aan samrin hadduu isbedel ku dhaco insha alaan annaga adareeskeena waa la yaqaanaa iyo meesha nalaga soo raadiyo” ayuu yiri Cali Khaliif mar la weydiiyey inay wadahadalo dhex mari karaan ama la heshiinayaan maamulka Somaliland iyo kii uu wax ka dhisay ee Khaatumo.
Hadalkan ayuu Cali Khaliif Galeyr ka sheegay kulan la isku keenay xubno ka kala socday Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka oo looga hadlayey sida loo arko go’aankii Mareykanku ku aqoonsaday dowladda hadda jirta ee Soomaaliya.
Idale News Muqdisho