Golaha Wasiirada Somaliland ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay warbixin xaga amaanka ah oo xafiiska arrimaha dibada Britain soo saaray, kaasoo ahaa qatar xaga amaanka ah oo ku soo fool leh dadka ajnabiga ah ee ku sugan Somaliland.
Xafiiska Arrimaha dibada Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa jooga Somaliland inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxeen, kadib markii la helay xog ku saabsan inay qatar ugu jiraan falal afduub iyo mid argagixiso ah.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in amaanka Somaliland uu yahay mid wanaagsan.
“Waxaa helnay fariin ka timid dowladda Ingiriiska oo muujineysa dareen xaga amniga waxaa shacabka Somaliland iyo Beesha caalamka u sheegeynaa in Xukuumada Somalilnad aan heyn wax cabsi ah amaanka waa sugan yahay waa mid ku jirta gacanta ciidamada iyo hey’adaha amaanka”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Cumar.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan warbixinta ka soo baxday Britain, isagoo tilmaamay in dareega xaga amaan ay kala siman yihiin geeska Afrika oo dhan oo uu xusay in qatar argagixiso ay ka jirto.
“Kalsooni buuxda ayaa ku qabnaa amaanka, dareenka kama duwana kuwa ka jira mandiqadan, waana baareynaa, wax cabsi ah ma qano, kalsooni buuxda ku qabnaa nabadgelyada dalka, beesha caalamka iyo ajnabiga dalka jooga waxaa u sheegeynaa in nabadgelyo ay ka jirto Somaliland”ayuu yiri Dr. Maxamed C/llaahi Cumar.
Shalay ayay aheyd markii warbixin ka soo baxday dowladda Britain loogu baaqay muwaadiniinta ku sugan Somaliland inay isaga soo baxaan, iyadoo la muujiyay qatar xaga amaanka ah oo ku soo fool leh shisheeyaha ku sugan dhulka Somaliland.
Idale News Muqdisho