Ciidamada uu hogaaminayo Faransiiska ee dagaalka kula jira Islaamiyinta Mali ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha magaalada muhiimka ah ee ku taala Waqooyiga Timbuktu.
Saraakiil ka tirsan Milateriga Faransiiska ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka garoonka diyaaradaha Timbuktu, halkaasoo sanadkii hore ay qabsadeen Maleeshiyada Islaamiyiinta.
Ciidamada ayaa ku sii siqaya magaalada Mali, sida uu sarkaal ka tirsan Milateriga Mali u sheegay Wakaalada wararka ee AFP.
Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ayaa waday howl gal ka dhan ah Islaamiyiinta labadii todobaad ee u dambeeyay.
Sabtidii ayaa ciidamada isbaheysiga ay la wareegeen magaalada ugu dadka badan ee waqooyiga Mali ee Gao.
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa sanadkii la soo dhaafay la wareegay waqooyiga dalka Mali, hase ahaatee waxay marba marka ka dameeya ay luminayeen magaalooyin dhowr ah, tan iyo markii Faransiiska uu horaantii bishan uu qaaday dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiintya.
Inta badan Maleeshiyaadka ayaa ka qaxay magaalooyinka, iyadoo ciidamada xulafada ay xoojinayaan amaanka magaalooyinka ay la wareegeen.
Shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo ka mid ah arrimaha Mali, iyadoo laga yaabo in ciidamo dheeraad ah loo diro.
Wadamada Gobolka ee galbeedka Afrika ayaa ciidamo ku biiriyay howl galka Faransiiska ku qaaday Islaamiyiinta, si ay u taageeraan dowladda Mali ee qarka u saarneyd in Islaamiyiinta xukunka ka tuuraan.
Timbuktu ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taala lama deegaanka saxaraha, halkaasoo sanadkii hore ay qabsadeen Islaamiyiinta, waxaana hadii lagala wareego ay noqoneysa magaaladii u dambeysay ee ay lumiyaan Islaamiyiinta Mali.
Idale News Muqdisho