Howl galo ballaaran oo xalay ilaa saaka ka socda xaafado ka tirsan degmada Huriwaa

0
217

Howl galo ballaaran oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda ayaa saaka ilaa xalay ka socda xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, kaasoo ilaa iyo hada lagu soo qabtay dad ka badan shan boqol oo ruux.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa ilaa haatan ka socda Xaafadaha Al cadaala, Waxarcade iyo Suuqa dayax, halkaasoo ciidamada ay gudaha ugu jiraan guryo bartilmaameed ah oo lagu tuhmayo inay ku dhuumaaleysanayaan rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Shabaab.

Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howl galada ay si wada jir u sameynayaan Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida, isagoo tilmaamay in xalay uu bilowday.

“Howl galada waa wadnaa dad fara badan ayaa ku soo qabanay oo ilaa lix boqol ah, ma dhihi karno kuli waa dambiilayaan, waa baareynaa waana kala saareynaa”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howl galkan uu yahay mid lagu baadigoobayo kooxaha burcadka ah ee dhibaatada u geysta shacabta, isagoo xusay in shalay ay soo qabteen ilaa 11-ka kala tirsan ciidamada booliska iyo milateriga oo dhibaateeya shacabka.

Howl galadan ka socda magaalada Muqdisho ayaa noqday mid habeen iyo maalin ay ciidamada si wada jir ah uga sameeyaan qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo hey’adaha amaanka ku sheegeen in lagu xaqiijinayo amaanka.

Idale News Muqdisho