Madaxweynaha Masar oo xaalad deg deg ah ku soo rogay saddex magaalo ka mid ah dalkaas

0
229

Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay saddex ka mid ah magaalooyinka dalkaas, kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen oo hareeyay maalmihii u dambeeyay.

Khudbad uu ka jeediyay Telefishinka ayaa Madaxweyne Mursi ku sheegay in muddo sodon maalmood xaalad deg deg ah uu ku soo rogay magaalooyinka Port Said, Suez iyo Ismalia.

Ilaa 33 ruux ayaa ku dhimatay dhamaadkii todobaadkii hore markii rabshado ay ka dhaceen magaalada Port Said, kadib markii Maxkamada ay riday xukun dil ah.

Bandow ka bilaabanaya 9-ka fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo ayaa lagu soo rogay saddexda magaalo, taasoo u muuqata mid lagu xakameynayo amaanka iyo xasilooni darada ka jirta.

Shalay ayaa dibad baxayaal iyo ciidamada amaanka ay isku dhaceen fagaaraha Taxriir, iyadoo xaalada degenaansho la’aan ee ka jirta Masar ay tahay mid wali taagan.

Madaxweynaha Masar ayaa tan iyo markii uu awooda kororsaday waxaa ku soo xoogeysanayay rabashadaha lagala soo horjeeday, iyadoo dadkii kacdoon wadayaasha ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore Masar Xusni Mubaarak ay ku eedeeyeen Madaxweyne Mursi inuu qiyaameeyay halgankii kacdoonka.

Idale News Muqdisho