Madaxweynaha dalka Maraykanka, Brck Obama, ayaa laga yaabaa inuu si dhaqso leh u booqdo dalka Kenya, oo Waalidkiisa asal ahaan ka soo jeedo.
Wargeyska Toddobaadlaha ee Saturday Nation ee maalmaha Sabtida ka soo baxa magaalladda Nairobi, oo soo xiganaysa Wakaalladda Wararka ee AP ayaa qortay inuu Madaxweyne Obama booqasho ku soo kala bixiyo dalal ku yaaalla Qaaradda Afrika, iyadoo ay suurtgal tahay inay Kenya ka mid tahay dalalka uu booqan doono.
Madaxweye Obama ayaa waxa uu sannadkii 2009-kii booqasho qaadatay wax ka yar isbuuc ku soo maray dhowr dal oo uu dalka Ghana ka mid ahaa, isagoo xilligaasi sheegay inuu ku tsllmayo inuu booqdo dalka Kenya oo uu asal ahaan ka soo jeedo.
Wareysi uu Madaxweyne Obama siiyey Idaacadda KBC ee Kenya sannadkii 2011-kii ayuu ku sheegay inuu aad u jecel yahay inuu Kenya booqdo isagoo ah Madaxweynaha Maraykanka.
Idale News Muqdisho