Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta soo bandhigay rag Burcad ah oo hubeysan.

0
199

Kadib howlgalo ay saaka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ka sameeyeen Xaafada Taleex ee degmada Hodan ayeey ku soo qabqabteen 13 nin oo ku lebisan dareyska ciidamada dowlada kuwaasoo falal dhac ah ka sameynayay Xaafadaha degadaasi.

Ragan oo 7 ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidmada xooga dalka Soomaaliyeed halka labo kalena ay ahaayeen ciidamada Booliiska inta kalena ay ahaayeen shacab ayaa maanta Duhurnimadii waxaa saxaafada loogu soo badhigay xarunta hogaanka danbibaarista Booliska ee CID Waxaana ka soo qeyb galay soo bandhigidooda taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Shariif Shiikhuna Maye,taliyaha hogaanka Danbi baarista General Cabdulaahi Xasan Bariise  iyo saraakiil sare oo ka Tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada Booliska Shariif Sheekhuna Maye ayaa warbahainta u Sheegay in marka laga soo tago ciidamada Mileteriga iyo Booliska lasoo Qabtay raga kale ay ahaayeen maleeshiyooyin burcad ah oo hubeysan kuwaasoo ka qowleysan jiray xaafadaha Taleex tarabuunka iyo goobo kale Oo katirsan isla degmadaasi Hodan.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Booliska ayaa soo bandhigay 10 rag ah oo la Tilmaamay inay katirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo Qabqabtay howlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen magaalada muqdisho.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Nabadsugida iyo Mileteriga ayaa Maalmahan danbe laba laabay howlgalada lagula dagaalamayo burcada iyo Dhagarqabayaasha katirsan Al-Shabaab ee isku dayaya inay dhibaato Ugeystaan dadka Shacabka ah iyadoo intii ay socdeena gacanta lagu soo Dhigay boqolaal katirsan

Idale News Muqdisho