Booliska Soomaaliya oo lagu soo wareejiyay nin horay dil uga geystay Muqdisho oo u baxsaday K/Sudan

0
205

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Muqdisho, nin horay dil u geystay, kaasoo dowladda Koofurta Sudan ay ku soo wareejisay dowladda Soomaaliya, markii uu dalkaas u baxsaday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Jen. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in dowladda Koofurta Sudan ay gacan ka geysteen sidii ninka gacan ku dhiiglaha oo ay warbixin ku heleen inuu joogo dalkaas ay u soo qaban lahaayeen, kadibna ay u soo gudbiyaan Muqdisho.

“Ninkan waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Ciise Axmed wuxuu ahaa nin gacan ku dhiigle ah oo dil geystay, saddex maalmood gudahood ayuu dalka uga baxay, markii uu dilak geystan, warbixin ayaa helnay iyo meesha uu aaday, waxaan ogaaday inuu joogo dalka Koofurta Sudan, anaha hadaan nahay Boolis nin naga baxsan karo ma jiro, waxaa ka mid nahay Booliska aduunka ee Interpol ayaa xubin ka nahay”ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhuna Maye.

Jen. Sheekhuna ayaa sheegay in shaqada booliska aduunka uu isku mid yahay, isla markaana ay isku waajibaad yihiin, isagoo xusay in 165-dowladood ay ka mid yihiin Booliska Caalamiga, waxaana uu xusay in ninkii dambi ka gala dalka aan looga hari doonin hadii uu dal kale aado.

“Anaga waxaa xubin ka nahay Booliska Afrika iyo Booliska Aduunka 165 dowladood waaye, markaa ogaanay in ninkaas uu joogo Sudan waxaa u gudbinay astaamihii lagu garanayay, kadib xeer ilaalinta ayaa waaran u soo jartay, hada kadib gacan ku dhiigle dil geysta ma fakanayo hadii uu Kenya aado ama Mareykanka”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ku raad joogaan labo kale oo xiriir la lahaa ninkaan, inkastoo uusan faah faahin ka bixin, hase ahaatee ninkan ayaa la sheegay inuu Muqdisho dil iyo dhaawac ugu geystay labo ruux oo walaalo ah.

Waa markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyo nin dal kale u baxsaday oo dil ka geysta dal kale, iyadoo tani ay meesha ka saareyso in qof dambi ka galay dalka uu dal kale si nabad ugu noolaado.

Idale News Muqdisho