Dhageyso: Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Baydhabo

0
220

Riyadh ( INO)-Ururka Iskaashiga Muslimiinta Caalamka ayaa si kulul u cambaareyay qaraxyadi Axadi la soo dhaafay lagu weeraray maqaayad ku taala magaalada Baydhabo ee Koofurta Somalia halkaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa 30 qof halka in ka badan 60 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Halkan Ka Dhageyso

Xoghayaha guud ee Ururka OIC Iyaad Amiin ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid arxan darro ah  isagoo sheegay in halkaasi dhibaato weyn loogu gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan,weeraradaasi qaraxyada ahaa ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Somalia.

Mr Iyaad Amiin ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay xilligan isku dayayaan sidii ay dib ugu dhisi  lahaayeen dalkooda isagoo Al Shabaabna ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan qorshaha dib u dhiska iyo nabada dalka.

Xoghayaha ururka OIC ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodeen weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay isagoona caafimaad qab u rajeeyay dadkii qaraxyadaasi ku dhaawacmay.

Ugu dambeyntii ayuu Iyaad Amiin hoosta ka xariiqay in Ururka Iskaashiga Muslimiinta dunida OIC uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Somalia ee ku aadan dhinaca dib u soo celinta xasiloonida iyo nabada dalka.

Idale News Online, Riyadh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here