Wararkii ugu dambeeyay koobka qaramada Afrika

0
208

Xulka Togo ayaa helay guushii koowad ee tartanka qaramada Afrika ee 2013 ka dib markii ay xalay garaaceen xulka Algeria.

Togo ayaa booska labaad ee Group D xoog ku soo gashay markii ay ciyaartu ku dhamaatay 2-0 .

Inkastoo kulankii hore laga adkaaday hadana waxaa ay u ekayaan kuwa leh niyad fiican oo ay ku ciyaaraan waxaana ay hada eegayaan wareega 8-da .

Togo ayaa bandhigeeda goolasha bilaawday daqiiqadii 31 aad waxaana xidiga ciyaarta ahaa laacibka kooxda Tottenham Emmanuel Adebayor kaas oo dhaliyay goolka koowaad waxaana uu caawiyay goolka labaad oo uu shabaqa taabsiiyay Dove Womé.

Inkastoo ay 2-0 ku badiyeen hadana waxaa ay ku jiraan booska labaad ee Group-D madaama ay Ivery Coast soo adkaatay labadii jeer ay ciyaartay.

Kulamada caawa dhici doona iyo waqtiga geeska Afrika

Morocco vs South Africa 8:00
Cape Verde vs Angola 8:00

Idale News Muqdisho