Wasiiirka horumarinta adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta Booqatay isbitaalka Ugu weyn ee ay dowlada Turkiga wasaaradeeda caafimaadku ka hirgelisay magaalada Muqdisho iyo Isbitaalka Digfeer oo dowlada Turkigu ay dhimo ku wado.
Wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa kormeerkeeda ka bilowday Isbitaalka ugu weyn ee Dowlada Turkiga ay ku leedahay oo lagu bixiyo adeegyada Caafimaadka intooda badan waxana Wasiirada ay kormeertay dhamaan qaybaha uu Isbitaalkaasi ka kooban yahay oo xiligaasi ka socotay daweyn iyo qaliino lacag la,aan ah kuwaasoo ay boqolaal dadweyne ah u safanayeen.
Wasiirka horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qaasim Axmed waxa ay sheegtay in Isbitaalka ay Booqatay ee dowlada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho uu yahay Isbitaal si lacag la,aan ah Loogu daweeyo ilaa shan boqol oo bunkaano ah maalintii taasoo muhiimad gaar ah y leh bulshada soomaliyeed muujineysana sida ay dowlada Turkigu u garabtaaganyihiin walalaahooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale wasiirka horumarinta adeega Bulshada waxa ay booqatay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo dowlada Turkiga ay ka wado dhismo aad u balaaran oo Isbitaalka dib loogu howlgalinayo Waxaana wasiirka horumarinta adeega bulshada Drs Maryan Qaasim Axmed ay xustay in dhismaha Isbitaalka uu dhamaanayo waqti dhow iyadoo ugu baaqday dhaqaatiirta Soomaalida ee ku dhaqan Dalka dibadiisa in ay Isbitaalka ay kusoo biiriyaan aqoontooda maadaama dhawaan lasoo gabagabeynayo dhismihiisa.
Kormeerka wasiirka horumarinta adeega bulshada ayaa ku soo beegmaya xili ay dadka Soomaaliyeed Baahi weyn u qabaan in sare loo qaado adeegyada caafimaadka ee ay u baahanyihiin Bulshada Soomaaliyeed .
Idale News Muqdisho