Dhageyso:Guddoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Al-qaadi oo ku dhaawacmay qarax

0
242

Bardheere(INO)—Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay qarax guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo kadib markii waxyaalaha qarxa loogu xirey gaarigiisa.

Wararka ayaa sheegaya in  Miino Gaariga loogu xiray Guddoomiye Kuxigeenka Shiikh Yuusuf Maxamed Al-qaadi  waxaana sidoo kale uu  dhaawac soo gaaray Ilaalada Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo.

Cadow Nuur Xasan gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka Gedo uu ku dhaawacmay qaraxa, balse dhaawaciisa uu sahlan yahay.

Sidoo kale qaraxa kadib ayuu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ay baaritaan ka sameeyeen xaafadaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Halka gaariga qaraxa looga soo xiray ayuu sheegay iney ku raadjoogaan, waxaana baaritaanada ka qeyb qaadanaya ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Baardheere sida uu sheegay gudoomiye Cadow Nuur.

Idale News Online, Baardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here