Dhageyso: BFS Oo Soo Saaray Go’aanno Ku Saabsan Higsiga 2016

0
243

Muqdisho ( INO)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxa ay ka soo saareen go’an ku saabsan  Madasha wadatashiga heerka qaran.

Mudanaayaasha Baarlamaanka ayaa go’aankooda ku qeexay illaa 5 qodob oo  uu ka mid yahay.

In ay ka digayaan in la isku dayo go’aan qaadasho siyaasadeed garab marsan hanaanka wadar ogol loo dhan yahay .

Sidoo kale Xildhibaanad ayaaa isku raacay in go’aanada ka soo baxo madasha wadatiga la soo marsiiyo si iyaguna ay u tarxaan bixiyaan.

Waa kan Mudane Mahad Cabdalle Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo golaha shacabka ka hor jeediyay go’aanada Baarlamaanka ay soo saareen.

Go’aanka ka soo baxaya madasha wadatashiga waa in  uusan wax u dhimin Midnimada Qaranka iyo wada jirka Shacabka Soomaaliyed

In aysan keenin Xasilooni  darro siyaasadeed  iyo mid amni oo dalka u horseedi karo colaado cusub.

In la waafajiyo Dastuurka ayadoo la soo marayo hay’adaha dastuuriga qaranka ah oo ay khuseyso.

Guddoonka Golaha shacabka waxaa la farayaa in go’aankaan si deg deg ah uu ku gaarsiiyo hay’adaha Dasuuriga dalka ee Heer Federaal, dowlad goboleedyada , Maamullada KMG iyo Beesha Caalamka.

Go’aanadaan Baarlamaanka ay soo saareen ayaa ku soo beegmaay  xilli guddoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka shalay laga soo saaray madasha shirka wadatashiga qaran ee Magaaalada Muqdisho iydoo loo diiday Xildhibaanada in ay shirkaas ka qeyb galaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here