Wasiirka Gaashandhigga oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0
230

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay Kulan looga hadalayay sidii la isaga kaashan lahaa qaadista cunaqabateynta saaran hubka Soomaaliya kaas oo maanta Muqdisho ku yeesheen guddiga ka shaqeeya farsamada Melateriga Somalia.

Kulankan ay Guddiga ka shaqeeya farsmada Ciidamada Milateriga Soomaaliya Maanta  ku yeesheen garoonka diyaaradah Aaden Cadde ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladaha ku mideysan Guddigaasi iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen qaadista cunaqabteynta saaran hubka Soomaaliya iyo sidii mustaaqbal wanaagsan loogu sameyn lahaa Dhallinyarada ay qaldeen shabaab ee dooneysa inay kusoo biiraan shacbigooda.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Gaashaandhigga Dalka C/xakiim Maxamuud Fiqi, Ku Simaha agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca Muuse Cabdulle Maxamuud, Taliyaha Ciidamada XD S/Gaas C/qaadir Sh cali Diin, saraakiil ka socota AMISOM, Midowga Yurub iyo saraakiil ka tirsan  dowladaha daneeya arrimaha amniga  Somalia.

Mudane C/xakiim fiqi wasiirka gaashaandhigga oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sharaxaya waxyaabihii ay isku afgarteen Dhinacyadii ka qeybgalay kulanka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhanka kale ka codsaday ardayda Soomaaliyeed ee ka qalinjabisa Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka islamarkaana dooneysa inay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka inay iska soo diiwaangeliyaan xarunta wasaaradda gaashaandhigga si loogu qaado tabar ciidan oo leyli sarkaal ah.

Kulankan ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga ka shaqeeya farsamada milateriga Soomalaiya  ayaa ah kulan Sadexdii biloodba mar la qabto iyadoo dhinacyada ku mideysan guddigaasina ay ka go’antahay sidii xasilooni loogu soo dabbaali lahaa wadanka gudihiisa..

Idale News Muqdisho